Dibadbax ka dhan ah Weerarkii Liido oo ka socda Muqdisho

Xeebta Liido Degmada Cabdicasiis ee Gobolka Banaadir oo Jimcihii uu ka dhacay weerar sababay in ka badan 30 ruux iyo dhaawaca dad kor u dhaafaya 60 kale waxaa saakay ka socda dibadbax ka dhan ah weerarkaas iyada oo ay ka qaybgalayaan mas’uuliyiin katirsan Dowladda Federaalka.

Dhallinyarada ku sugan Magaalada Muqdisho oo ka qaybgalaysa kulankaan ayaa lagu wadaa in ay dareenkooda ku muujiyaan hadal-jeedintooda iyo boorarka ay wataan maadaama Dadka halkaas waxyeelladu ku gaartay ay u badnaayeen Dhallinyaro.

Ammaanka Xeebta Liido ayaa aad loo adkeeyay waxaana la geeyay ciidamo katirsan kuwa amniga u qaabilsan Dowladda Federaalka si ay u sugaan nabadgalyada goobtaan uu ka dhacayo isusoobaxa sida ay Mustaqbal u xaqiijiyeen ilo kala duwan.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed