Kulan laga yeeshay amniga Magaalada Muqdisho

Kulan looga hadlay Ammaanka magaalada Muqdisho, ayaa maanta waxaa iskugu yimid hay’adaha Amniga Heer Federaal iyo maamulka gobolka Banaadir, kaas oo ka qabsoomay Xarunta Taliska Booliska Soomaaliyeed.

Kulankaan ayaa waxaa shir gudoomiyay Wasiirka Wasaaradda Amniga Cabdullaahi Sheekh Cismaan Fartaag, iyada oo ay qeyb ka ahaayeen Taliyaha Ciiidanka Booliska Soomaaliyeed, Agaasimaha hey’adda Nabad Suggidda iyo Sirdoonka Qaranka Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbalooshe iyo Guddoomiyaha gobolka Banadir Ahna duqa magaaladda Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale.

Madaxda iyo saraakiisha ayaa dhageystay, warbixin la xiriirta weerarkii ay Al-shabaab ku qaadeen hoteelka beach view eek u yaalla xeebta liido ee magaalada Muqdisho, kaasi oo sabaaby khasaare kala duwan.

Sidoo kale, kulankaan ayaa intii uu socday waxaa looga hadlay xaaladda Amniga guud ee magaalada Muqdisho iyo sidii loo adkeyn lahaa amniga shacabka Soomaaliyeed.

Kulankaan ayaa imaanaaya xilli, uu dhawaan madaxweyne Xasan Sheekh uu kulan la yeeshay hay’adaha ammaanka oo warbixin ku aadan kaga dhageystay xaaladda guud ee dalka.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa faray hay’adaha in adkeeyaan amniga, isla markaana ay xoojiyaan hawlgallada ka dhanka ah ee Al-shabaab.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed