Waddani & Kaah oo ku heshiiyay in ay dhisaan Musharrax Cabdiraxmaan Cirro

Xisbiyada Mucaaradka ah ee Waddani iyo Kaah ayaa ku heshiiyay in ay isbaheysi ku noqdaan Doorashada Somaliland ka dhacaysa bisha 11aad ee Nofeembar waxaana ay ku ballameen in ay awoodda saaraan Musharrax madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro.

Kaah oo aanay kamid ahayn Saddexda Xisbi ee ugu weyn Somaliland ayaa dagaal ka riixi doonna Musharraxa ka socda dhiggiisa Waddani oo u baahan in uu helo Gaashaanbuur ku garab istaagta sidii uu xilka ugu guuleysan lahaa.

Waddani oo damacsan in uu xilka ka fara-maroojiyo Xisbiga Muddada fog talada Maamulka Somaliland haya ee Kulmiye ayaa billaabay raadinta Isbaheysi uu ka dhex sameysanayo Xisbiyada kale ee awood ahaan ka hooseeya balse codadka heli kara.

Haddii rajadooda u dhaqangasho waxa ay labadaan Xisbi ay sameyn doonnaan Xukuumad wadaag ah sida ku xusan qodob kamid ah qodobadii ay ku heshiiyeen labada Xisbi ee Mucaaradka ah ee Waddani iyo Kaah.

Musharrixiinta Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa Somaliland sanadka 2024 waxa ay kawada imaan doonnaan Xisbiga Waddani sida ku cad qodobka 4aad ee heshiiska iskaashiga ah uu Xisbigaas la galay dhiggiisa Kaah.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed