DFS oo sheegtay in ay sarakiil u xirtay qaraxii Liido

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in la xiray Dad ay kamid yihiin Saraakiil katirsan Dowladda kuwaas laga qabo tuhun la xiriira ku lug lahaanta ama fududeynta Qaraxii iyo weerarkii la socday ee habeenkii Jimcaha ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaan Xeebta Liido.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre oo Warbaahinta la hadlay kaddib markii uu booqday qaar kamid ah Dadkii ku dhaawacmay weerarkaas ayaa sheegay in la xiray Dad ay ku jiraan Saraakiil oo haatan baaritaan lagu wado.

Xamsa ayaa sheegay in qofkii kiiskaas ku lug yeesha in la horgeynayo Maxkamad halka kuwa lagu waayo dib xorriyaddiisa loo siin doonno taasina ay tahay mas’uuliyad saaray Xukuumadda Dan-Qaran ee uu hoggaamiyaha u yahay.

“Waxaan qaadnay tallaabooyin deg-deg ah oo la iskula xisaabtamayo, dad badan oo la tuhmayo oo ay saraakiil ku jirto ayaa xiran, baaris kalana waa ku jirnaa, waxaana rajeynayaa in aan qaaddi doonno tallaabo adag oo dhinaca amniga ah” Ayuu yiri RW Xamsa Cabdi Barre.

Dad badan ayaa su’aalo ka keenay sida ay u suuragashay in Ragga qaraxa iyo weerarka tooska ah ka fuliyay Liido ay ugu suuragashay inay ka gudbaan goobaha hubinta ee Gaadiidka & Dadka la socda baaritaan culus lagu sameeyo.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed