Puntland oo sheegay in la qabtay nin ku eedeysan dilka mas’uul ka tirsanaa maamulka Jaamacadda Bariga Afrika

TaliskaQeybta Booliska gobolka Bari ee Puntland  ayaa sheegay in ay gacanta ku soo dhigeen nin ku eedeysan dilka Allaha u naxariistee guddoomiye ku xigeenkii maamulka iyo maaliyadda Jaamacadda Bariga Afrika Khaalid Cali Khaalid Awmuuse.

War qoraal ah oo ka soo baxay Taliska Ciidamada Booliiska Puntland ayaa lagu sheegay in 6:00 am ee maanta eedeysanaha laga qabtay deegaanka Durduri kaddib wada-shaqeyn dhexmartay Laamaha amniga iyo Odoyaasha Dhaqanka.

“Ciidanka Amniga Puntland oo kaashanaya odayaasha beesha eedaysane Maxamed Abshir Muuse oo Magaalada Boosaaso horay ugu dilay 29-July-2024 Alle ha u naxariistee guddoomiye kuxigeenkii maamulka iyo maaliyadda Jaamacadda Bariga Afrika Khaalid Cali Khaalid Awmuuse” ayaa lagu yiri qoraalka.

Taliska Ciidamada booliiska ayaa sheegay in eedeysanaha la horgayn doonaa Maxkamadda, si loo qaado dacwadda kiiskiisa.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed