Masuul ka tirsanaa Jaamacada Bariga Afrika oo Bosaso lagu dilay

Dabley hubaysan ayaa maanta magaalada Boosaaso ku dishay Allaha u naxariistee marxuum Khaalid Cali Khaalid oo ka tirsanaa macallimiinta jaamacadda bariga Afrika.

Marxuum Khaalid ayaa sidoo kale ahaa gudoomiye ku xigeenkii maamulka iyo maaliyadda Jaamacadda bariga Afrika.

Wararka ayaa sheegaya in ay goobta isaga baxsadeen kooxdii dilka u geystay marxuum Khaalid Cali oo aan weli la aqoonsan haybtooda.

Laamaha Amniga Puntland gaar ahaan magaalada Boosaaso weli kama hadlin dilkaasi sidoo kale ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay masuuliyada dilkaasi

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed