Wiil ay Haweynay Sodohdiisa ay ku dishaya Boosaso

Maxamuud Cabdi Bile Cabdi oo ahaa wiil dhallinyaro ah oo ku nool magaalada Boosaaso ayaa u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray Tooreey ay ku dhufatay xaaskiisa hooyadeed (Soddohdiis).
Lama oga sababta ka dambeysa falkaan, hase ahaatee wararka aanu horudhaca u helayno waxay sheegayaan inuu jiray khilaaf qoyska dhexdiisa ka taagnaa. Hooyada ayaa la sheegay inay doonaysay in loo furo gabadheeda oo xaamilo ahayd.

Ciidamada Booliiska Gobolka Bari ayaa sheegey in ay gacanta ku dhigeen Haweeneyda ku eedeysan inay Tooreey ku dishey wiilka ay soddohda u ahayd.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed