Muqdisho oo laga daah-furay Shirka Isku dubarridka Barnaamijka Xasilinta

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta Magaalada Muqdisho ka daahfuray shirka Isku dubarridka Barnaamijka Xasilinta oo agaasinkiisu leedahay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Shirkaan waxaa lagu martiqaaday madax kala duwan oo ka qaybgalaysa waxaana ay ka kala socday Xafiisyada Midowga Afrika, Midowga Yurub & kuwo kale waxaana dhammaantood goobjoog ka noqonayaan qorshaha Horumarinta Barnaamijkaan.

Waxyaabaha diiradda lagu saarayo Shirkaan waxaa kamid ah Barnaamijka Xasilinta ee Dowladdu hoggaaminayso kaas oo lagu gaarsiinayo adeegyada Bulshada, Maamul dhiska, Amniga, Cadaaladda deegaannadii dhowaan laga qabsaday ‘AS’ & Qodobo kale.

Marka intaas laga hadlo kaddib waxaa loo gudbi doonnaa wajiga labaad ee shirkaan si looga dodo howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ ee ka socda Gobollada Dalka, Kaalinta ay dhinacyadaan ka qaadan karaan & sidii la isku kaashan lahaa.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed