RW Xamse oo magacaabis cusub sameeyay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa magacaabay xubno cusub oo ka mid noqonaya Golaha Wasiirrada.

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa lagu yiri:

“Ra’iisul Wasaare Xamse oo gudanaya waajibka Dastuuriga ah ee ku xusan qoddobada  97,98 iyo 100aad ee dastuurkaga KMG ah, isla markaana uu tixgeliyay talada Madaxweynaha JSF, uuna garawsaday hawlada baaxadda leh ee horyaalla Xukuumadda, waxa uu magacaabay xubnaha hoos ku xusan

  1. Mudane Gen. Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobbe) – Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka.
  2. Mudane Cumar Cali Cabdi – Wasiiru dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga
  3. Mudane Siciid Maxamed Maxamuud (Xayd) – Wasiiru dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud iyo Guriyeynta
  4. Mudane Maxamuud Cabdiqaadir Xaaji (Jeego) – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha”

Xubnahan la magacaabay ayaa dhammaantood ka tirsan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed