Maxay ansixiyeen Baarlamaanka Puntland ?

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane, Cabdirisaaq Axmed Siciid oo ay wehliyaan ku-xigeenka 1-aad Mudane Maxamed Baari Shire iyo ku-xigeenka 2-aad Mudane Maxamed Maxamuud Ciise ayaa maanta Shir-guddoomiyey fadhiga 13-aad ee Kalfadhiga 54-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Fadhiga maanta ayaa qorshe hawleedku ahaa sii wadida ka shaqeynta Wax-ka-badelka Xeerka Nootaayooyinka Puntland, kaas oo maalinkii shalay ahaa Goluhu uu doodiisa bilaabay.
Golaha ayaa manta dhameystiray qodob-qodob uga doodista, wax-ka-bedelka iyo kaabista iyo Ansixinta Xeerkan, waxaana Xeerku ka hadlayaa hubinta sareynta sharciga, kala-wareejinta hantida dadweynaha iyo Xoojinta Nidaaamka Cadaaladda Puntland.
Ugu dambeyn, Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa Cod aqlabiyad leh waxay ku meelmariyeen Ansixinta Wax-ka-badelka Xeerka Nootaatooyinka Puntland, kadib markay soo dhamaatay dooda qodobada xeerkan oo la wafaajiyey Qodobka 70-aad ee Dastuurka.
Dhanka kale, isla fadhigii maanta waxaa Xildhibaannada loo qaybiyey labo xeer oo kala ah: Wax-ka-baddelka Xeerka Warbaahinta Puntland iyo Wax-ka-baddelka Xeerka Qareenada Puntland, kuwaasoo Golahu ku soo samayn doono akhriska 1-aad maalinka Axada ah ee soo socotana Golaha lagu soo celin doono.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed