Faah-faahin: Maxaa ka soo kordhay weerarkii Xabsiga dhexe ee Xamar?

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhaqaaqday baaritaan ay ku sameyneyso Xabsiga Dhexe ee Xamar oo Shalay ay ku dagaalameen Ciidamada Asluubta iyo qaar kamid ah Maxaabiist halkaas ku xirneed oo hub helay.

Dowladdu waxa ay sheegtay in ay baareyso sida ay u suuragashay in Hub uu u gacan galo Maxaabiista ee u suuragaliyay in ay ku dagaalamaan ilaa markii dambe Ciidanka Ammaanka ay ku toogteen goobihii ay ka dagaalamayeen.

 

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaa sheegay in loo baahan yahay in la helo cid qaadata mas’uuliyadda falkaas ka dhacay Gudaha Xabsiga Dhexe ee Xamar maadaama goobtu tahay meel amnigeedu aad loo adkeeyo.

 

Ka Dowlad ahaan ayuu tilmaamay in lala xisaabtamayo ciddii yeelata mas’uuliyaddaas isla markaanna la horgeynayo Hay’adaha ku shaqada leh kiiskaan ciqaabtiisa sida uu hadalka u dhigay Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr Suleymaan Maxamed.

“Waxa aan aad uga xumahay wixii Xabsiga Dhexe ka dhacay oo ah arrin aan la filayn oo halisteeda leh, Waxa aan rajeynaa in Madaxda Xabsiga iyo Taliyeyaasha arrintaan ay quseyso Warbixin nooga keennaan, Ciddii qaladkaas isla leh si loola xisaabtamo, Jileec Dowladeed wuu jiraa hadda ka hadlay Laakiin waxyaabaha qaybtood wax la aqbali karo ma ahan” Dr Suleymaan Maxamed Maxamuud, Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka.

Su’aalo badan oo helitaanka warcelintooda laga sugayo Dowladda ayaa dulsaaran dagaalka ka dhex dhacay Xabsiga Dhexe ee Xamar, Sida ay ugu suuragashay in Maxaabiistu hesho Hubka ay ku dagaalameen & Cidda qaadaneysa Mas’uuliyadda wixii dhacay.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed