Jubbaland oo Guddi u saartay gubashada Suuqii Degmada Luuq ee Gobolka Gedo

Madaxweyne ku xigeenka 1aad ee Dowlad-Goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa sheegay in Guddi gaar ah loo xilsaarayo soo qiimeynta hantidii lagu gubay Suuqa Degmada Luuq ee Gobolka Gedo & in uu Guddigaas diyaariyo qorshaha lagu gacan-qabanayo Dadkaas.

Nasiib darro ayuu ku tilmaamay in Dagaal Beeleedka ka dhacay Degmada Luuq lagu gubo Suuqa Degmadaas oo muhiim u ah Bulshada halkaas ku sugan maadaama aanay ka maarmin badeecaha lagu iibiyo oo safar fog loo galo.

 

Dowladda Federaalka, Dowlad-Goboleedka uu katirsan yahay ee Jubbaland, Ganacsatada kale ee Gobolka Gedo kasoo jeeda, Qurba-joogta & Cid weliba oo ka qaybgeli karta u gurmashada Dadkaas hantidooda la gubay ayuu cod-dheer ku gaarsiiyay in kaalinteeda ka qaadato.

 

“Waxa aad uga xunnahay Dadka Soomaaliyeed ee Suuqaas ku hanti beelay, in ka badan 320 Ganacsi in lagu gubay, waan garab taaganahay, labadeenna heer Dowladeed waxa aan codsanaynaa in aan la cidleyn Dadkaas oo la gacansiiyo, Guddi Ayaan u xilsaaraynaa si dib noloshooda gacan looga siin lahaa” Madaxweyne ku xigeenka 1aad ee DG Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan.

Waa uu sii hadlay waxaana uu carrabka ku adkeeyay in muhiimad gaar ah siinayaan dib u haajinta Buundada Degmada Luuq ee Gobolka Gedo oo marin muhiim u ah isusocodka Dadka iyo Gaadiidka Degmadaas sida uu sheegay Maxamuud Sayid Aadan.

Dagaal Beeleed dhexmaray Maleeshiyo hubeysan ayaa sababay dhimasho, dhaawac & burbur hanti oo xooggiisa ka dhashay Suuqa Degmada Luuq ee Gobolka Gedo Dowlad-Goboleedka Jubbaland oo Dab la qabadsiiyay.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed