Ciidamo lakala dhex-dhigay beelo ku dagaalamy G. Mudug

Maamulada Galmudug iyo Puntland ayaa ciidamo isku dhaf ah oo wata Gaadiidka Dagaalka kala dhex dhigay Beelo walaalo ah oo maleeshiyaadkoodu ku dagaalameen deegaanno katirsan Gobolka Mudug.

Ujeedka Ciidankaan loo kala dhex-dhigay Maleeshiyaadkaan ayaa ah in marka hore la helo xabbad-joojin kaddibna ay wadahadal isugu tagaan Duubabka Dhaqanka labada Beel si loosoo afjaro dagaalkaas sababay dhimashada & Dhaawaca in ka badan 20 ruux.

Sidoo kale waxa ay kawada hadli doonnaan sidii ay uga wada-xaajoon lahaayeen magta ama Diyada Dadka ku dhintay dagaallada inta ay socdeen iyo Daryeelka bukaannada dhaawaca ah ee la dhibaateysan waxyeellada kasoo gaartay dagaalladaas.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed