Gaalkacyo oo lagu soo bandhigay Khamri lagu qabtay Howlgal

Taliska Ciidanka Booliska Gobolka Mudug ayaa soo bandhigay kartoomo khamri ah oo la doonayay in la galiyo gudaha deegaannada maamulka Puntland.

Goobta lagu soo bandhigay khamriga ayaa waxaa goobjoog ahaa Taliye ku xigeenka qaybta booliiska gobalka Mudug, Gaashaanle Dhexe, Cabdi Siciid Xuseen Jamac (Koomaad) iyo Sarakiil kale.

Saraakiisha amniga ayaa sheegay in khamriga oo tiradiisa ay gaareyso 487 dhalo lagu qabtay gudaha magaalada Gaalkacyo, xilli lagu soo dhex qariyay gaari.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed