MW Laftagareen oo daah-furay Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiga Dhexe

Madaxweynaha Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa maanta Daah-furay Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiga Dhexe (Fasalka 8aad) oo sanadkii 5aad qaadayso Wasaaradda Waxbarashada Dowlad-Goboleedkaas.

Cabdicasiis Laftagareen oo dhinaciisa taagan yahay Wasiirkiisa Waxbarashada Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed Ibraahim Aadan Cali Najax waxaana uu Ardayda kula dardaarmay in ay dedaalkooda kordhiyaan.

11,936 Arday ayaa galaysa Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiga Dhexe ee sanad Dugsiyeedka 2023/2024, Wiilashada tiradoodu waa 7,209 Wiil halka Gabdhuhu yihiin 4,727 kuwaas oo ku kala galaya 52 Xarumood.

Gobolka Bakool waxaa Imtixaanka lagu galayaa 4 xarun, Gobolka Baay 23 Goob & Gobolka Shabeelaha Hoose oo 25 xarumood ay Ardayda ku galayaan waana saddexda Gobol oo uu ka kooban yahay dhismaha Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed.

Halkaan ka aqriso Xaanshida Wasaaradda Waxbarashada Koofur Galbeed kasoo saartay Imtixaanka:

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed