MW Xasan Sheekh ” Itoobiya Badd uma diidin lakiin ….”

Madaxweyne Soomaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya aysan bad u diidin Ethiopia, isagoo caddeeyay waxa la isku haysto ee uu khilaafku ka taagan yahay inay yihiin, habka ay Ethiopia doonayso inay kusoo gaarto badda Soomaaliya.

“Dadka Soomaaliyeed iyo adduunkaba waxaan rabaa inaan u caddeeyo, Ethiopia haddii ay doonayso inay soo gaarto xeebaha Soomaaliya, waan soo dhoweynaynaa. Waxaan rabnaa inay usoo gaarto sida ay Uganda usoo gaartay xeebaha Kenya, sida ay  Ruwanda iyo Burundi u gaaraan xeebaha Tanzania, “ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheikh.

Madaxweynaha waxa uu sheegay, in Soomaaliya aysan aqbalayn in Ethiopia si aanay dowladda Soomaaliya raali ka ahayn inay usoo gasho baddeeda. Wuxuu ugu baaqay Ethiopia inay kusoo laabtaan dhaqanka suuban ee caalamka u yaala.

“Ethiopia, ha iska iloobaan ciidamo bad ah ayaan Soomaaliya dajinaynaa, saldhig bad ah ayaan Soomaaliya ku yeelanaynaa,” ayuu hadalkiisa ku daray madaxweynuhu.

Hadalka madaxweynaha ayaa yimid, iyadoo Ethiopia iyo Somailand ay sheegeen inuu gabagabo ku dhow yahay dhameystirka iyo dhaqan galinta heshiiska badda. Itoobiyaha waxay sheegtay in ay si degdeg u aqoonsanayso madax bannaanida Somaliland.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed