Booskii Xildhibaan Tabliiq oo loo dhaariyay Xildhibaan Yaasiin Axmed Maxamuud

Fadhiga 3-aad ee Kalfadhiga 54-aad ee Golaha Wakiillada Puntland ayaa maanta waxaa lagu dhaariyey Xildhibaan cusub Yaasiin Axmed Maxamuud Samatar oo baddeley Xildhibaan hore Alle ha u naxariistee Cali Axmed Maxamuud.

Alle ha u naxariistee Xildhibaankii hore ayaa bishii hore ku geeriyooday shil gaari oo ka dhacay wadada u dhaxaysa magaalooyinka Qardho iyo Garooowe.

Marxuumka, wuxuu ka mid ahaa mudanayaasha sanadkan 2024 soo galay barlamaanka isagoo matalaya gobolka Hayland.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed