Roobab khasaare geystay oo ka da’ay Muqdisho

Ku dhawaad 10 saacadood waxaa Magaalada Muqdisho ka da’aya Roob saamayn taban ku reebay Waddooyinka Caasimadda iyo Isu socodka Gaadiidka kaddib markii Daadadka ka dhashay roobkaas ay fadhiisteen Waddooyin muhiim ah.

Qaar kamid ah Wadayaasha Gaadiidka Caasimadda ayaa SBC u sheegay in Waddooyinka qaar ay xirmeen kaddib markii ay ku hoortay xareedda roobka saacadaha badan ka da’aya Magaalada Muqdisho.

Waddooyinka dhanka Xaafadah dhexmara ayay sheegeen wadayaasha Gaadiidka in qudhooda biyo degeen noqdeen intooda badan saakay ay joojiyeen shaqadii ay u hayeen Bulshada sida joogtada ah u raacda Gaadiidkooda.

Saxmad ayaa ka jirta waddooyinka kooban ee aanay lahayn biyo degeennada waxaana adag in si fudud isaga kala gudbaan Gaadiidka maadaama ay halkaas ku kulmeen Gawaari badan .

Inta badan marka uu da’o Roobka waxaa jira waddooyin lasii ogyahay in ay biyaha fadhiistaan ama degeen waxaana mararka qaar looga dhuuqaa Booyado halka kuwo kale ay maalmo yaalaan biyahaas sida ay inoo sheegeen ilo kala duwan oo la hadlay warbaahinta

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed