38,489 oo Arday oo maanta u fadhiisatay Imtixaanka Somaliland

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa saakay daah-furay Imtixaan sanadeedka Dugsiyada Dhexe iyo kan sare oo marqura la wada qaadayo waxaana sanadkaan u fadhiisatay Arday gaaraysa 38,489 guud ahaan labadaas Fasal.

Dugsiga Sare waxaa Imtixaanka Shahaadiga ah ka gashay Arday dhan 15,542 Arday halka Dugsiga Dhexe Ardaydiisu gaarayso 22,947 Arday sida lagu sheegay War kasoo baxay Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha & Tacliinta Sare Somaliland.

Guud ahaan Ardaydaan waxa ay Imtixaanka ku galayaan 129 Goobood si gaar ah 1,668 Fasal oo loo diyaariyay waxaana la fasaxay Ardayda Jaamacadaha dhiganaysay maadaama goobihii ay wax ku baranayeen lagu qaadayo Imtixaankaan.

Kormeerayaasha wa 300 oo macallin, halka qaybta ilaalinta loo xilsaaray 2008 Macallin, taakulayntu waa 361 Macallin waxaana ciidamada amnigooda sugaya ay gaarayaan 606 Askari sida lagu yiri qoraal lagu faafiyay barta Wasaaradda Waxbarashada Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlay mid kamid ah Goobaha lagu qaadayay Imtixaanka oo Magaalada Hargaysa ah ayaa Ardayda u rajeeyay in ay kordhiyaan dedaalkooda isla markaana ka mira-dhaliyaan hayaankii ay usoo galeen.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed