MW Xasan Sheekh muxuu kala hadlay Jaaliyada dalka Norway?

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad dheer u jeediyay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Norway ayaa la wadaagay arrimaha Amniga, Siyaasadda, Horumarka Dalka, Dastuurka, Dagaalka ka dhanka ah ‘AS’ & Qodobo kale.

Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay xoogga saartay dhinaca Amniga iyada oo ku guulaysatay in ay gacanta ku dhigto deegaanno ay muddo fog ku sugnaayeen ‘AS’ isaga oo arrintaas ku tilmaamay in lagu gaaray isku tashi iyo iskaashi.

Qurba-joogta ayuu ka dalbaday in ay doorkooda ka qaataan howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ si looga mira-dhaliyo himilooyinka muuqda ee tallaabooyinka loo qaaday sida uu hadalka u dhigay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

“Dib u xorraynta Dalka, dhammaystirka Dastuurka & Xoojinta Federaalaynta Dalka waa howlaha inta badan si siman uwada socda waaye, Dalkeenna waxa aan rabnaa in aan Khawaariijta ka saarno, 17-sano ayay Dalka Soomaaliya dhib ku hayeen oo kamid ah 34ta sano ee burburka Dalka ah” Ayuu yiri MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay falcelinta ka timid dhinacyada saluugsan dib u eegista Dastuurka waxaana uu sheegay in wixii tabasho ah laga wada hadli balse aanay habbooneen in la hakiyo howsha laga hayo.

“Dood & Iswarsi uma dhinna Dastuurka, 12-sano waqti nagu filan waaye oo Dastuurku kasoo doodno, Dadkii Ayaan nahay, Dastuurka Kumeel-gaarka ah waa Dastuurkii lee, 15 cutub ayuu ka koobnaa waa isla 15kii, waa intii aan soo kala dhig-dhigaynay, 12-sano Doodda aan ku qanci waynay Dadka weli isii hibanaya in weli lasii doodo oo lasii wado 12-sano kale, Dadka Soomaaliyeed waxa aan leenahay Walaalayaal waqti nooma dhinna” MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxa uu dul istaagay sababta keentay in Dowladda Federaalka ay xoogga saarto dhammaystirka Dastuurka Kumeel-gaarka ah ee Dalka waxaana uu ku sifeeyay in loo baahan yahay in arrinta Dastuurka oo muddo taagan ka shaqayntiisa lasoo gaba-gabeeyo.

“Waxa aad marqaati ka ahaydeen markii Doorashada la tartamayay in Aniga & Saaxiibadii dhammaanteen ballanqaadnay in aan dhammaystirayno Dastuurka KMG ah ee Dalka, wax kale ma samayn oo aan ahayn in ballanqaadkii aan Dadka ka ballanqaaday in uu fulo, Riyada beenta ah Dadka yaa loo sheegin” MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed