Customize Consent Preferences

We use cookies to help you navigate efficiently and perform certain functions. You will find detailed information about all cookies under each consent category below.

The cookies that are categorized as "Necessary" are stored on your browser as they are essential for enabling the basic functionalities of the site. ... 

Always Active

Necessary cookies are required to enable the basic features of this site, such as providing secure log-in or adjusting your consent preferences. These cookies do not store any personally identifiable data.

No cookies to display.

Functional cookies help perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collecting feedback, and other third-party features.

No cookies to display.

Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics such as the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.

No cookies to display.

Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.

No cookies to display.

Advertisement cookies are used to provide visitors with customized advertisements based on the pages you visited previously and to analyze the effectiveness of the ad campaigns.

No cookies to display.

Muqdisho: Inka badan 35 kun Arday oo fariistay Imtixaaanka Shahaadiga ah ee fasalka 8-aad

Maanta oo isniin ah waxaa gobalka Banaadir ka furmay imtixaanka shahaadiga sannad Dugsiyeedka fasalka 8-aad (Dugsiga dhexe) ee Maamulka Gobalka Banaadir.

Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), ayaa maanta si rasmi ah u daah furay  imtixaanka fasalka 8-aad ee dugsiyada Gobolka Banaadir

Wadarta Ardayda sanadkaan u fadhiisatay Imtixaanka uu qaadayo Maamulka Gobolka Banaadir waa 35,307 oo Arday kuwaas oo wax ku bartay Dugsiyada kala duwan ee ku yaalla Magaalada Muqdisho & deegaannada duleedkeeda ah.

Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir oo ku hadlay afka Duqa Muqdisho maadaama uu ka maqnaa goobta waxa uu Ardayda ku dhiirrageliyay in ay dedaalkooda Waxbarashada ka mira-dhaliyaan.

Sidoo kale, Yabooh waxa uu mahadceliyay Masโ€™uuliyiin Gobolka Banaadir, Saraakiisha Ciidamada ammaanka iyo howlwadeennada kala duwan ee qaybta ka qaadanaya ilaalinta nidaamka loogu talagalay Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiga Dhexe.

โ€œWaxaan u mahadceliyay dadkii ka shaqeeyay ama isku dabariday  xarumahii lagu gali lahaa imtixaanka iyo xarumaha saaka lagu galaayo oo ay ugu horreyso jaamacadda ummada  sida ay uga qeyb qaateen na aad ayaan uga mahadcelinaayaaโ€ Ayuu yiri Guddoomiye ku xigeenka Amniga & Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Yabooh.

Ardayda maanta Imtixaanka Fasalka 8aad ee Dugsiga oo isugu jiray Wiilal & Gabdho waxa ay kala ahaayeen: 19,766 Wiil iyo 15,541 Gabdho, sidoo kale waxaa Dadkaas qayb ka ah Ardayda Baahiyaha Gaarka ah qaba (Naafada) kuwaas oo iskuullo gaar u ah wax ku barta.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed