Customize Consent Preferences

We use cookies to help you navigate efficiently and perform certain functions. You will find detailed information about all cookies under each consent category below.

The cookies that are categorized as "Necessary" are stored on your browser as they are essential for enabling the basic functionalities of the site. ... 

Always Active

Necessary cookies are required to enable the basic features of this site, such as providing secure log-in or adjusting your consent preferences. These cookies do not store any personally identifiable data.

No cookies to display.

Functional cookies help perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collecting feedback, and other third-party features.

No cookies to display.

Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics such as the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.

No cookies to display.

Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.

No cookies to display.

Advertisement cookies are used to provide visitors with customized advertisements based on the pages you visited previously and to analyze the effectiveness of the ad campaigns.

No cookies to display.

MW Muuse Biixi oo dhaqangaliyay xeerarka doorashooyinka Somaliland

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa dhaqangaliyay wax ka badalka iyo kaabista Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha; Xeer Lr. 91/2023 iyo  Xeerka Nidaamka Ururrada iyo Axsaabta Siyaasadda Xeer Lr: 14/2023

Madaxweynaha ayaa kama danbaystii qalinka ku duugay xeerarkan oo marar badan laysla fahmi waayay, isla markaana caqabad ku noqday qabsoomida doorashooyinka.

Hadaba, xeerarkan ayaa waxa is badal iyo kaabis ku sameeyay Golayaasha Baarlamaanka Somaliland, iyada oo la badalay, ama dib u habayn lagu sameeyay qodobo badan, isla markaana ay labada gole baarlamaanba ansixiyeen.

Inkasta oo xeerarkan ay ku wada qanacsanyihiin saddexda xisbi ee hada jooga iyo ururo badan, hadana waxa jira ururada qaarkood oo diidmo ka muujiyay madaama oo uu xeerkani xaqa ka qaybgalka doorashada madaxtooyada ku koobayo xisbiyada Kulmiye, Waddani iyo UCID oo kali ah.

Hoggaamiyaha Ururka Horseed Cabdillaahi Iimaan Dirawal, ayaa isagu kadib saxeexa madaxweynaha si adag u diiday, isaga oo sheegay in hadii doorashada sidaa lagu galo, aanu ka qaybgali doonin.

Dhinaca  micaaradka, xisbiga Waddani ayaa ilaa imika soo dhaweeyay, iyada oo uu Guddoomiye Xirsi sheegay in loo jihaystay dhinicii doorashada.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed