Customize Consent Preferences

We use cookies to help you navigate efficiently and perform certain functions. You will find detailed information about all cookies under each consent category below.

The cookies that are categorized as "Necessary" are stored on your browser as they are essential for enabling the basic functionalities of the site. ... 

Always Active

Necessary cookies are required to enable the basic features of this site, such as providing secure log-in or adjusting your consent preferences. These cookies do not store any personally identifiable data.

No cookies to display.

Functional cookies help perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collecting feedback, and other third-party features.

No cookies to display.

Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics such as the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.

No cookies to display.

Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.

No cookies to display.

Advertisement cookies are used to provide visitors with customized advertisements based on the pages you visited previously and to analyze the effectiveness of the ad campaigns.

No cookies to display.

Midowga Afrika oo si adag uga hadlay xadgudubka Itoobiya ee Soomaliya

Waxaa Warmurtiyeed laga soo saaray shir madaxeedka sanadlaha ee Ururka Midowga Afrika oo labadii maalmood ee lasoo dhaafay uga socday xaruntooda oo ku taala magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Warmurtiyeedka laga soo saaray Meertada 37-aad ee shir madaxeedka Midowga Afrika ayaa looga hadlay arrimo badan oo xasaasi ah, waxaana ka mid ahaa qodobada sida gaar ah looga hadlay arrimaha gudaha Soomaaliya iyo xadgudubka ay dowladda Itoobiya ku sameysay Soomaaliya.

Warsaxafadeedka kasoo baxay shir madaxeedka Midowga Afrika ayaa ugu horeyn lagu bogaadiyay hoggaanka wanaagsan ee Madaxweynaha dowladda fedaraalka Xasan Sheekh Maxamuud iyo guulaha ay ka gaartay dowladiisa dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Waxaa sidoo kale Warmurtiyeedka lagu bogaadiyay taageerada howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS iyo saaxiibada kale ee Soomaaliya ka taageera howlgalada ka dhanka Ururka Al-sbabaab.

Warmurtiyeedka waxaa si adag looga hadlay heshiis ku sheegii Addis Ababa ku dhexmaray Itoobiya iyo Somaliland kowdii bishii Janaayo ee sanadkaan 2024, kaasoo la xariiray in Itoobiya ay hesho qeyb ka mid ah dhulka iyo Biyaha Soomaaliya, islamarkaana Somaliland ay u aqoonsaneyso dowlad ka madax banaan Soomaaliya.

โ€œAU waxay mar kale xaqiijisay inay ka goโ€™an tahay iyo inay taageerto midnimada, wadajirka dhuleed, iyo madax-bannaanida, dhammaan dalalka xubnaha ka ah, oo ay ku jirto Soomaaliya. Midowga Afrika ayaa ugu baaqday labada dal in ay xiisadda dejiyaan oo ay wada hadal macno leh yeeshaan si arrinta xal nabadeed looga gaaroโ€ ayaa lagu yiri warmurtiyeedka kasoo baxay Shir madaxeedka Midowga Afrika.

Gabagabadii Midowga Afrika ayaa ka dalbaday dowladaha xubnaha ka ah iyo beesha Caalamka iney kordhiyaan taageerada iyo kaamlada ay siiyaan dowladda Soomaaliya, gaar ahaan sidii ciidamada Soomaaliya uga guuleysan lahayeen kooxda Al-shabaab iyo xasilinta deegaanada laga saaray.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed