Customize Consent Preferences

We use cookies to help you navigate efficiently and perform certain functions. You will find detailed information about all cookies under each consent category below.

The cookies that are categorized as "Necessary" are stored on your browser as they are essential for enabling the basic functionalities of the site. ... 

Always Active

Necessary cookies are required to enable the basic features of this site, such as providing secure log-in or adjusting your consent preferences. These cookies do not store any personally identifiable data.

No cookies to display.

Functional cookies help perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collecting feedback, and other third-party features.

No cookies to display.

Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics such as the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.

No cookies to display.

Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.

No cookies to display.

Advertisement cookies are used to provide visitors with customized advertisements based on the pages you visited previously and to analyze the effectiveness of the ad campaigns.

No cookies to display.

Cumar Cabdirashiid ” Abiy Ahmed waa in loo diyaar garooba dagaalkiisa

Raysal wasaarahii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay iney u diyaar garoobaan dagaal uu ku dhiiran karo Raysal wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed.

Cumar Cabdirashiid oo wareysi siinaayay Hanoolaato ayaa sheegay in loo baahan yahay in dadka Soomaaliyeed ay difaac xoog leh ka galaan damaca Itoobiya ku dooneyso qeyb ka mid ah biyaha Soomaaliya, islamarkaana Abiy Axmed uu yahay nin wax walba ay ka suurtoobaan.

“Abiy Axmed isaga oo Addis Ababa qarka loo taagan yahay ayaa ka shaqaynaya kala qaybinta ama kala goynta Soomaaliya, waxa aan qabaa in aan la yaraysan waayo wax badan ayuu ku dhiirran karaa sida in uu dagaal soo qaado marka waxaa loo baahan yahay in laga feejignaado” ayui yiri Cumar Cabdirashiid Cali.

Raysal wasaarahii hore ee Soomaaliya ayaa sidoo kale ugu baaqay madaxda dalalka Urur goboleedka IGAD ineysan aqbalin codsi uu u dirsaday Abiy Axmed.

“Ma habbooneyn in loo ogolaado Abiy Axmed Shir uu Urur Goboleedka IGAD uga codsaday in markale la qabto si uu uga hadlo Xiisada sababtay damaciisa ku aadan helitaanka qeyb ka mid ah dhulka Soomaaliya. isaga oo ka qaybgali karay shirkii IGAD ee dhowaan uu ka baaqsaday sidaas darteed waxa uu Urur Goboleedkaas usoo jeediyay in aanay laga aqbalin codsigiisa” ayuu yiri Cumar Cabdirashiid.

Dowladda Itoobiya ayaa billowgii bishaan Janaayo heshiis kula gashay magaalada Addis Ababa madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, kaasoo la xariiray in Itoobiya ay hesho qeyb ka mid ah biyaha Soomaaliya, taas badalkeedana Itoobiya Somaliland u aqoonsaneyso dowlad madax banaan, hayeshee Itoobiya ayaa damacaasi kala kulantay waji gabax noocii ugu xumaa.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed