Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheikh ayaa caddeeyay in aysan dood dambe ka furnayn dastuurka Soomaaliya, isagoo difaacay goโaankii ay shalay labada aqal ee baarlamaanku ku meel mariyeen habraaca wax ka beddelka dastuurka.
Madaxweynuhu waxa uu sheegay in wax ka beddelka dastuurka uu soc0nayo illaa laga gaarayo in loo qaado afti dadweyne. Wuxuu sheegay dowladdiisu inay diyaar u tahay in qaddiyadaha taabanaya masiirka dalka ay kala tashanayo cid kaste oo ay qusayso.
โQaddiyadaha siyaasadeed ee wada xaajoodka u baahan dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah ayaa ka wada xaajoonaya, barlamaanka ayay horkeenayaan,โ ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheikh.
Wuxuu sheegay dastuurka inta badan in uusan khilaaf ka taagnayn. isagoo tilmaamay in waxa khilaafku ka taagan yahay oo u baahan in laga heshiiyo ay yihiin arrimaha siyaasada.
โHaddii aan dhahno labo xisbi ayaan keenaynaa, waxaa nagu filan in la dhaho maya, labo xisbi naguma filma, saddex xisbi ama shan xisbi ayaan doonaynaa. Ma annagaa degreeto ku qorayna labo xisbi,โ ayuu yiri madaxweynuhu.
Hadalkaan ayuu madaxweyne Xasan Sheikh ka sheegay magaalada Garowe oo uu maanta uga qeyb galay xafladda caleemo saarka madaxweyne Deni.