Iiraan oo cadeysay inay maamuli doonto marinka Hormuz

Ka dib wareeggii koowaad ee wadahaddallada dhex maray Mareykanka iyo Iiraan ee ka dhacay dalka Switzerland, Iiraan ayaa mar kale caddeysay inay aad u doonayso inay maamusho Marinka Hormuz.

Isaga oo la hadlayay telefishinka dowladda Iiraan xilli uu dib ugu soo laabanayay dalkiisa ka dib wadahaddallada, madaxa wada-xaajoodka Iiraan ayaa sheegay in maamulka iyo gacan ku heynta Marinka uusan marna dib ugu laaban doonin sidii uu ahaa dagaalka ka hor.

Mohammed Baqer Ghalibaf ayaa sidoo kale sheegay in Iiraan iyo Mareykanka ay ku heshiiyeen inay dejiyaan qaab-dhismeedyo isku-dubbarid — kuwaas oo ah khadka telefoonka ee degdegga ah iyo xarun isgaarsiineed — muddo soddon maalmood ah si loo fududeeyo isu-socodka maraakiibta ee Marinka Hormuz.

Dhankiisa, Xoghayaha Maaliyadda ee Mareykanka, Scott Bessent, ayaa mar sii horreysay sheegay in Washington ay muddo lixdan maalmood ah hakin doonto cunaqabataynta saaran wax-soosaarka iyo dhoofinta saliidda Iiraan.

Bayaan wadajir ah oo la sii daayay Isniintii, dhexdhexaadiyeyaasha Qatar iyo Pakistan waxay sheegeen in kadib wareeggii koowaad ee wada-hadallada ee ka dhacay magaalada tamashlaha loo tago ee Bürgenstock ee Switzerland, Maraykanka iyo Iiraan ay ku heshiiyeen “khariidad waddo oo lagu gaadhayo heshiis kama dambays ah 60 maalmood gudahood”.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed