Golaha Wadatashiga Qaranka oo ka kooban Madaxda Federaalka, Dowlad-Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa lagu wadaa in todobaadkaan ay kulan gaar ah ku yeeshaan Magaalada Muqdisho gaar ahaan 2da Oktoobar 2024 oo ku beegan Arbacada.
Sida ay Warbaahinta u sheegeen ilo kala duwan, Madaxtooyada Soomaaliya ayaa Madaxda Dowlad-Goboleedyada ku wargelisay in ay soo xaadiraan shirkaan oo muhiimadda lagu saarayo arrimaha Dastuurka, Doorashooyinka, Amniga & qodobo kale.
Wararka soo baxaya ayaa intaas ku daraya in muddooyinkii dambe uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ku howlanaa qabsoomidda Shirkaan Golaha Wadatashiga Qaranka.
25kii bishaan waxaa baaqday shirkaan oo lagu waday in uu ka qabsoomo Magaalada Muqdisho lama sheegin sababta rasmiga ah ee baajisay, waxaa jira warar la hadal hayo oo la xiriira in khilaafkii Dowladda Federaalka & Maamulka Koofur Galbeed uu saameeyay shirkaas.
Weli ma cadda in uu fadhigaan kasoo qaybgeli doonno Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Puntland oo ka maqnaa kulamadii ugu dambeeyay ee Golaha Wadatashiga inkasta haatan uu ka dhow yahay mowqif ahaan sidii hore maadaama uu dhowaan dalbaday wadahadalka Dowladda Federaalka.