Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Xildhibaano kamid ah Golaha Shacabka ahna xubno katirsan Golaha Wasiirada XFS ka mamnuucay ka qeyb-galka fadhiyada Golaha.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaa Guddiga Xeerhoosaadka ee Golaha ka codsaday inuu talo bixin iyo talaabooyin ku haboon kasoo gudbiyo xubnahan si waafaqsan Xeerhoosaadka Golaha Shacabka. Sida lagu yiri warsaxaafadeed uu soo saaray Madoobe.
Afhayeenka Golaha Shacabka ayaa Wasiirradaan ku eedeeyey in ay gacan qaad ka dhex sameeyeen xarunta Golaha Shacabka, ka dib kulankii shalay ay is hor istaag ku sameeyeen Xildhibaanno ka tirsa mucaaradka.
Wasiirradaan ayaa ka soo muuqday muuqaallo ay warbaahinta ka soo duubtay xarunta Golaha Shacabka, kuwaas oo u gacan qaadaya Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, oo diidanaa shirguddoonka kulanka.
Wasiirrada laga mamnuucay in ay ka qeyb galaan fadhiyada Baarlamaanka ayaa kala ah:-
1) Xil. Maxamed Cabdulqaad Xaaji (Jeego), oo ah Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS
2) Xil. Cumar Cali Cabdi, Wasiir Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga
3) Xil. Isaaq Maxamed Mursal, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda
4) Xil. Maxamed Cusmaan Cumar, Wasiiru dowlaha Wasaaradda Qoyska
Amarka ka soo baxay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa weli waxaa ka hadal Wasiirradaan, iyo Xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.