30 Gorsoore oo ka howlgali doona maxkamadda gobolka Banaadir oo la dhaariyey

Munaasibad maanta lagu qabtay xarunta Maxkamadda Sare ee dalka, ayaa lagu dhaariyey 30 Garsoore oo dhawaan ku soo baxay tartan oo loo qabtay in ka badan 2000 oo tartameyaal ah, sida lagu sheegay war ka soo baxay maxkamadda sare ee dalka.

Gorsoorayaashaan oo maanta la dhaariyey ayaa ka hawl-geli doonaan Maxkamadda gobalka Banaadir ee magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee JFS Baashe Yuusuf Axmed oo hadal ka jeediyey munaasibaddii dhaarinta, ayaa halkaas dardaaran kula wadaagay Garsooreyaasha, isaga oo tilmaamay in loogga baahan yahay in mas’uuliyadda saaran darteed ay u gutaan si Alle ka cabsi ah sidoo kale na ay u cadaalad falaan dadka u soo cadaalad doonanaya Maxkamadaha.

Guddoomiye Baashe, wuxu sidoo kale xasuusiyey in hawlo adag loo soo maray tartankii ay ku soo baxeen, isaga oo xusay in siddii looggu cadaalad falay ay ka rajenayaan in iyagu na ay cadaalad ugu adeegaan umadda Soomaaliyeed. Sida lagu yiri qoraal ka soo baxay Maxkamadda sare ee dalka.

Garsooreyaashan, ayaa ku soo baxay tartan furan oo sanadkii hore dhammaadkiisii loo qabtay in ka badan 5000 oo tartameyaal ah oo iskugu jiray Garsooreyaal iyo Xeer Ilaaliyeyaal kuwaas oo ugu dambayn ay guulaysteen 50 tartame oo iskugu jira Garsooreyaal iyo Xeer Ilaaliyeyaal, waxaana ay tani noqonaysaa markii labaad ee tartan daahfuran laga qabto hay’adaha Garsoorka ee dalka.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed