𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐤𝐮 𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐥𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 d𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐣𝐢𝐠𝐚 𝐥𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐬𝐡𝐫𝐮𝐮𝐜𝐚 𝐁𝐚𝐱𝐧𝐚𝐚𝐧𝐨.

Wasaare ku xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi ayaa maanta magaaladda moqadisho ka daahfuray wajiga labaad ee mashruuca Baxnaano, kaas oo ah mashruuc loogu talagalay daryeelka bulshada.

Mashruucaan oo uu wajigiisa 1aad guul ku soo dhamaaday ayaa waxaa loogu talagalay in lagu caawiyo dadka danyarta ah.

Wajiga  koobaad ee mashruucan oo socday intii u dhexeysay 2019 ilaa 2024, ayaa waxaa ka faa’iideystay dad gaaraya 1.3 Milyan oo reer guuraa u badan, sida ay sheegtay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo u xilsaaran fulinta mashruuca Baxnaano.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa bogaadiyay guulihii uu xaqiijiyey masharuucan muddadii shanta sano ahayd ee uu shaqaynayey, waxa uuna  sidoo kale faray hay’adaha ku shaqada leh in la dardargeliyo fulinta wajiga labaad ee mashruuca Baxnaano.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed