Dab ka kacay dooxada deegaanka Dalsan ee gobalka Nugaal

Dab xoogan ayaa ka kacay dooxada deegaanka Dalsan ee degmada Dangorayo ee gobalka Nugaal, kaas oo loo badinayo in uu ka dhashay isbeddelka Cimilada ee sii kululaanaysa.

Dabkan ayaa la sheegay in uu sababay khasaare soo gaaray dhul daaqsimeedka siman ee dooxada Dalsan oo ku dhow magaalada Dangorayo ee gobolka Nugaal .

Guddoomiye Ku-xigeenka dagmada Dangorayo Cabdinuur Xaaji Axmed ayaa sheegay in Maamulka magaalada ay ku guulaysteen daminta dabkaasi, islamarkaana la baarayo waxa sababay.

Illaa hadda lama oga dabka kacay dooxada deegaanka Dalsan ee degmada Dangorayo waxa sababay, warar soo baxaya ayaa tibaaxaya in ay saameyn uu ku yeeshay Isbadalka Cimillada ee xilligaan ka jira guud ahaan Soomaaliya.

Magaalooyinka iyo dhulka Soomaaliya ayaa laga dareemayaa saameynta uu Isbadalka Cimillada uu ku yeeshay, iyada oo markii ugu horreysay ee heerkulka uu gaaray 40°, badi shacabka ku nool magaalooyinka dhaca xeebaha ayaa aad waxaa u saameeyey Isbadalka Cimillada.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed