Turkiga oo Soomaaliya u soo diray mid kamid ah Maraakiibta qoda Shidaalka

Dawladda Turkiga ayaa si rasmi ah u soo ambabbixisay markabka weyn ee casriga ah ee loogu talagalay qodista saliidda ee lagu magacaabo Çağrı Bey, kaas oo ku soo jeeda biyaha Soomaaliya si uu halkaas uga bilaabo hawlgal lagu baarayo kheyraadka saliidda.

Markabkan ayaa maanta ka soo kicitimay dekedda Taşucu ee gobolka Mersin ee koonfurta dalka Turkiga, waxaana munaasabadda sagootinta ka qayb galay wasiirrada Batroolka iyo Dekadaha Soomaaliya, Maareeyaha Hay’adda Batroolka iyo Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ah ee Turkiga, Alparslan Bayraktar.

Wasiir Bayraktar oo munaasabadda ka hadlay ayaa tilmaamay in Çağrı Bey uu yahay markabkii ugu horreeyay ee qodis ah oo ay dawladda Turkigu u dirto meel ka baxsan biyahooda, taas oo uu ku sifeeyay tallaabo taariikhi ah oo kor u qaadaysa iskaashiga labada dal.

Wuxuu intaas ku daray in markabku uu mari doono jid dheer oo ku dhowaad 45 maalmood ah, isagoo u soo dambayn doona dhanka Badweynta Atlantic-ga iyo xeebaha galbeed ee Afrika halkii uu mari lahaa marinka Suez, ilaa uu ugu dambayn ka soo gaaro dekedda Muqdisho.

Tallaabadan ayaa timid ka dib markii uu horay biyaha Soomaaliya baaritaanno dhanka seismic-ga ah uga soo sameeyay markabka Oruç Reis.

Wasiirka Tamarta Turkiga ayaa rajo muujiyay in sannadka 2026 uu noqon doono sannad guulo laga gaaro daah-furka kheyraadka saliidda iyo gaaska, isagoo xusay in Turkigu uu ka go’an yahay inuu ballaariyo baaritaannada tamarta ee uu ka samaynayo gudaha dalkiisa iyo dibaddaba.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed