Qaar kamid ah magaalooyinka Mareykanka waxaa saacadihii la soo dhaafay ka socday bannaanbaxyo xooggan oo looga soo horjeedo maamulka Maamulka Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo La-taliyihiisa Bilyanerka ah ee Elon Musk.
Dibad baxa ayaa ka dhacay 1,200 goobood, oo ay ku jiraan dhammaan 50-ka gobol ee Mareykanka, sida magaalooyinka Boston, Chicago, Los Angeles, New York, Washington DC.
Dadka ayaa ku dhawaaqaya ereyo ka dhan ah Madaxweynaha Mareykanka iyo Lataliye Elon Musk oo isbadal ku sameeyay nidaamka Hayโaddaha dalkaasi in ka yar boqol maalmood oo ay talada hayaan.
Booliiska Mareykanka ayaa isku dayaya in ay xakameeyaan mudaharaadayaasha oo tiradooda ka badan tahay 200 kun ruux.
Bannaanbaxayaasha ayaa culeys saaraya Maamulka Madaxweyne Donald Trump oo ku adkeysanaya inuu canshuuro dheeraad ah ku soo rogo dalalka badeecadaha kala duwan u iib geeya wadankaasi.