Taleefoonka habeenkii dabka looga seexdo oo laga digay

Cusmaan Khan Yussuf oo ah sharci-yaqaan ayaa shalay tagtay maxkamada Islamabad kadib markii uu si lama filaan ah qiiq uga soo baxay jaakad uu watay.

Isaga oo dareemaya khatarta jirta ayuu isla markiiba iska tuuray jaakadkiisii, wax yar ka dibna waxa gubtay mobilkiisii gudaha jaakadda ku jiray.

Hadal uu ka jeediayay banaanka maxkamada, qareen Cusmaan Khan ayuu sheegay in sababta ka danbeysa qaraxa batteriga mobilka uu ahaa taleefoonka habeenkii uu dabka kaga seexday.

“Mobilkayga waxa aan galiyaa charging (Dab) habeenkii ka hor inta aan seexan aroortii ayaan ka soo bixiya waana taas ayaan filaya sababta uu u qarxay” ayuu yiri.

Cusmaan ayaa teleefanka uu heystay ee ku qarxay waxaa uu ahaa Samsung oo sidan oo kale horey qaraxyo u sameeyay .

Shirkada Taleefonada ee Samsung wali isticmasha batari lagu magacaabo lithium-ion battery.

Horaantii sanadka 2020, isaga oo la hadlayay mid ka mid ah wargeyada ka soo baxa UK , mid ka mid ah dadka deggan California ayaa sidoo kale sheegay in batteriga taleefankiisa oo Samsung ahaa uu ku qarxay oo uu gubtay.

Kadib hadalka qareenka ee Pakistan ee arrintan ku dhacday dad badan oo baraha bulshada isticmaala ayaa is weydiinaya su’aasha ah ma tahay dhaqan halis ah in mobilka habeenkii dabka looga seexdo.

BBC-da waxay isku dayday inay jawaabo u hesho qaar ka mid ah su’aalaha dadka is waydiinayan ee ku sabsan khatarta ka jirta habeenkii oo mobilka looga seexdo.

Sida laga soo xigtay joornaalka sayniska iyo tignoolajiyada The Conversation, inta badan Moobilada casriga ah waxay u baahan yihiin wax ka yar 30 daqiiqo in dabka loo daayo.

In taleefanka habeenkii oo dhan dabka ay ku jiraan ma ahan mid wanaagsan waxaan taas ay keeni kartaa in in awoodda batteriga uu hoose u dhac yimaado taas oo laga yaabo in qarax uu sameeyo.

Waxa kale oo ay khubaradu ku talinayaan in la iska ilaaliyo oo talefanka habeenkii aan la isku soo dhaweeyn isagoo dabka ku jira taas oo leh halis caafimaad sida ay khubaradu sheegeen.

Waa wax iska caadi ah in qofka marka uu seexanayo uu dabka galiyo taleefanka balse waxaa hadda soo baxay wallac weyn oo dhanka caafimaadka ah iyo xataa awoodda batarriga .

Maxay batarriyada qaar ka mid ah u qarxayaan

Barfasoor Clare Gray, oo ah khabiir ku takhasusay kaydinta tamarta oo ka tirsan jaamacadda Cambridge, ayaa BBC-da u sheegtay in qaar badan oo ka mid ah tayada batarriyada ay yihiin kuwa liita, ayna tahay shirkadaha tignoolajiyada in ay joojiyaan isticmaalkooda .

Waxaa ay sheegtay hadii ay shirakaduhu sii wadaan isticmaalka batarriyadana, arrintaasoo keeni karaa khataro badan oo aan lagu baraarugsanayn.

Digniin ku saabsan in habeenkii dabka looga seexo taleefoonka

Tallaabooyinka qaarkood ee arrintan la xiriira waxay awood u siin karaan batteriga taleefankaaga inuu shaqeeyo waqti dheer wuxuuna sidoo kale kaa caawin karaa inuu kaa ilaaliyo shil suurtagal ah.

Cusboonaysii taleefankaaga softiweerkiisa mar walba.

Isku day inaadan telefoonkaaga kaga seexan dabka habenkii.

La soco batteriga mar walba si aad u ogaato heerkiisa.

Haddii aad dareento in mobile-kaagu kululaado ama batarigu bararayo, isla markiiba ka saar dabka.

Sanadkii 2016 Shirkada Samsung ayaa dalbatay in loo soo celiyo taleefanka Galaxy Note 7 kadib markii ay qarax sameeyeen qaar ka mid ah taleefonada.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed