Shiinaha oo noqday dalkii u horreeyay ee ka jawaaba dhaqaale la’aanta SODMA

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynka Musiibooyinka (SODMA) ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta lacag dhan 1,000,000 oo dollar kala wareegay dowladda Shiinaha, kadib munaasabad ballaaran oo ka dhacday Muqdisho.

SODMA ayaa horey u shaacisay in ay soo food-saartay dhaqaale la’aan xooggan, islamarkaan aysan hayn lacagtii ay u isticmaali laheyd daabulida gargaarka, si loo gaarsiiyo dadka gurmadka u baahan.

“Waxaa inoo soo socda raashino badan, runtii beesha caalamka indhahooda waa nagu soo jeesteen oo gargaar badan ayay noo fidinayaan, laakiin waxaa meesha ka maqan dhaqaalihii ama miisaaniyadii lagu maareyn lahaa howlahaas oo dhan,” ayuu dhawaan yiri agaasimaha xarunta howl-gallada gurmadka deg-degga ee hay’adda SODMA.

Haddaba, Deeqdan lacagta ah ayaa waxaa maanta Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka toos ugu wareejiyey safiirka dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaliya, Mudane SaH.E Fei Shengchao.

Lacagtani ayaa waxaa loogu talagalay gurmadka loo sameenayo dadka ay samaayeen xalaadaha adag ee ay sababtay El-Niño, sida uu sheegay Guddoomiye Maxamuud Macallin.

Sidoo kale wuxuu in sheegay in deeqdaan lacageed ay dowladda Shiinaha ugu talagashay in lagu daabulo raashin ay dhawaan dalka keeni doonto si dadka tabaalaysan loo gaarsiiyo.

“Safiirka Shiinaha oo noogu yimid xarunta SoDMA wuxuu na guddoonsiiyay lacag gaareyso hal milyan oo dollar oo loogu talagalay arrimaha fatahaadaha ee Elnino ay sababtay, taas oo ku bixi doonto raashin ay iyaga soo wadaan” ayuu yiri guddoomiyaha Hay’adda SoDMA.

Guddoomiye Maxamuud Macallin oo shir jaraa’id qabtay ayaa sidoo kale u mahadceliyay dowladda Shiinaha iyo shacabkeeda, maadaama ay garab istaageen dadka dhibaateysan.

“Waxaan runtii aad iyo aad ugu mahadcelinayaa dowladda Shiinaha iyo shacabkeeda garab istaagga aan markii koowaad ahayn” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Waxaa kale oo uu yiri “Dowladda Shiinaha waxay uga duwan tahay dowladaha kale, iyadu toos ayay u caawisaa dadka Soomaaliyeed waxooda waxay toos u taabtaan dadka”.

Shiinaha ayaa horay deeq lacageed oo gargaar ah ugu deeqay dowladda federaalka, taas oo wax looga qabtay xaaladaha bani’aadanimo ee ka jira deegaanada Jubbaland.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka taagan xaalad adag oo ka dhalatay fatahaado iyo daadad is wata oo ku dhuftay qaybo badan oo ka mid ah dalka.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed