Puntland oo sheegtay in ay go’aan culus ka qaadanayso DFS

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Hon Abdirisak Ahmed Said, oo uu weheliyo Guddoomiye ku-xigeenka Hon Mohamed Mahamud Esse, ayaa shir-guddoomiyey fadhiga 7-aad ee Guddiga Joogtada ah.
Fadhiga maanta waxaa looga hadlay xaaladda guud ee Puntland, waxaana warbixinno looga dhegeystey madax guddiyeedyada Golaha, taasoo la xiriirtey Xaaladda Guud ee Puntland, Amniga, Siyaasadda, abaaraha ka jirta deegaanka Puntland.
Intaas kadib, Guddiga Joogtada ah waxay kulanka uga hadleen xaaladda Guud ee dalka iyagoo si adag u cambaareeyey xadgudubka lagula kacay xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ku metela Puntland iyo shacabka la socday diyaaradda, kuwaas oo 01/03/2026 hawada laga celiyey, iyadoo khatar la geliyey naftooda. Arrintaasoo ka soo horjeedda Dastuurka Ku-meel-gaarka ah ee lagu heshiiyey.
Sidoo kale, Guddiga Joogtada ah waxay ka soo horjeesteen falalka caburinta iyo khatar-gelinta sharci-darrada ah ee ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ku samaysay, kuna xanibtay isu-socodka shacabka iyo joojinta duulimaadyada, iyadoo si khaldan looga faa’iideystay awoodda iyo mas’uuliyadda saaran Dowladda Federaalka.
Ugu dambayntii, Guddiga Joogtada ah ee Golaha Wakiilladu waxay ummadda Soomaaliyeed ugu baaqayaan inay ilaashadaan midnimadooda iyo wadajirkooda, isla markaana meel looga soo wada jeesto wax kasta oo wax u dhimaya midnimada iyo wada noolaanshahooda, si looga bedbaado khatar kasta oo dalka ku timaadda.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed