Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhanka telefoonka kula hadlay Boqor Cabdalla binu Al-Xuseen, Boqorka Urdun iyo Sheekh Tamiim binu Xamad, Amiirka Dowladda aan walaalaha nahay ee Qatar.
Hoggaamiyeyaashu waxa ay ka wadahadaleen xaaladda gobolka, xiisadaha iyo iskahorimaadyada milatari ee Bariga Dhexe, iyagoo muujiyey muhiimadda ay leedahay dejinta xaaladda, yareynta xiisadaha iyo xoojinta dadaallada diblumaasiyadeed ee lagu ilaalinayo amniga iyo xasilloonida gobolka.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa adkeeyey mowqifka adag ee Soomaaliya ee ku aaddan garab istaagga Dowladda Qatar iyo Boqortooyada Urdun oo dowladda Iiraan kala kulmay duqeymo gardarro ah.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa bogaadiyey mowqifka carbeed ee mideysan, isagoo muujiyey in weerar kasta oo lagu qaado dhulka dalalkaas walaalaha ah uu yahay xadgudub cad oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah, caqabadna ku noqonaya nabadda iyo xasilloonida mandiqadda.


