MW Guudlaawe oo gudoomiyay shir looga hadlayay khataraha daadadka

Golaha Wasiirrada Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle ayaa fadhi gaar ah oo uu shir-guddoomiyay Madaxweynaha Dowlad-Goboleedkaas isla markaana ay ka qaybgaleen ku xigeenkiisa & Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka SODMA ku yeeshay Jowhar.

Kulankaan waxaa ugu horrayn Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SODMA laga dhagaystay waxgalka Hay’addaas ee Bulshada saamaynta taban ku reebtay Xaaladda El-nino gaar ahaan Daadadkii roobka iyo fatahaadda Webiga Shabeelle.

Intaas kaddib Guddoomiyaha Hay’adda SODMA Maxamuud Macallin Cabdulle waxa uu madasha Wasiirrada Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle ka sheegay in loo baahan yahay ka feejignaanta xaaladaha ka dhalan kara Roobka Guga & fatahaadda Webiga.

Guddoomiye Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa sheegay in 65% cabsida laga qabo Roobka Guga ee dhowaan la filayo in uu curto loo baahan yahay in la sameeyo kahortagga halistaas oo si wadajir ah dedaal xooggan loo gelin karo.

Soomaaliya waxaa sanadihii u dambeeyay saamayn taban ku reebay Daadadka Roobka, Fatahaadaha Webiyada Dalka & Abaarta oo dhabar-jartay Dad iyo duunyo waxaana socda dedaallo kala duwan oo looga gaashaamanayo xaaladdaas si aanay markale saamayntooda usoo noqon.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed