Maxaa ka soo baxay kulamada ay yeesheen Madaxda Soomaaliya, Jabuuti iyo Itoobiya?

Kulan saddex geesood ah oo ay yeesheen  Madaxda sare ee dalalka Soomaaliya, Jabuuti iyo Itoobiya ayaa looga hadlay dagaalka ka socda gobolka Bariga Dhexe.

Shirkaan oo si gaar uga qabsoomay Hoyga Madaxweynaha Jabuuti ayaa ahaa mid saacado socday, iyadoo la isku soo qaaday caqabadaha ka jira gobolka iyo sidii loo xallin lahaa.

Intii uu socday kulanka, madaxdu waxay ka doodeen xaaladda nabadgelyo iyo amni ee gobolka, horumarinta is-dhexgalka dhaqaalaha ee dalalka Geeska Afrika, iyo arrimo kale oo muhiim u ah saddexda dal.

Qoddobada miiska saarna ee laga dooday ayaa waxaa kamid ahaa colaadda ka socota Bariga Dhexe iyo saameynta dhaqaale ee ay ku yeelatay gobolka, gaar ahaan dhinacyada ganacsiga iyo amniga.

Sida ay baahiyeen Soomaaliya, Itoobiya iyo Jabuuti kulanka ayaa lagu gaarey isfahan, iyadoo lagu ballamay in la sii wado shirarka.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed