Shacabka Koofur Galbeed oo u dareeray doorasho Isku sidkan oo ka dhacaysa 13 Degmo

Shacabka Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed ee isu diiwaangeliyay Doorashada qof iyo codka ah ee isku sidkan laguna dooranayo xubnaha Goleyaasha Wakiillada iyo Deegaanka Maamulkaas oo ka dhacaysa 13 Degmo.

Ammaanka ayaa aad loo adkeeyay, waxaa la howlgeliyay dhammaan ciidamada qaybahooda kala duwan iyada oo la xiray Goobaha Waxbarashada, Shaqada iyo Isu socodka Deegaannada Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed.

Guddoomiyaha Guddiga madaxabannaan ee Doorashooyinka, Cabdikariin Axmed Xasan ayaa sheegay in doorashadaan ay noqonaysi middii labaad ee Guddigoodu qabto isla markaana ay ku xigi doonnaan Dowlad-Goboleedyada Hirshabeelle, Galmudug & Waqooyi Bari.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed