Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa maanta saxiixay siyaasadda dalxiiska Jubaland, taas oo ay soo diyaarisay wasaaradda warfaafinta, dalxiiska iyo hanuunninta dadweynaha.
Siyaasaddan ayaa ujeedadeeda lagu sheegay horumarinta dalxiiska, kobcinta dhaqaalaha, abuurista fursado shaqo, iyo soo bandhigista khayraadka dabiiciga ah iyo goobaha taariikhiga ah ee Jubaland.
Sidoo kale, Madaxweyne Axmed Madoobe wuxuu saxiixay siyaasadda kharash soo celinta isbitaallada gobollada iyo degmooyinka Jubaland, oo ay soo gudbisay wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada.
Siyaasaddan ayaa la tilmaamay in ay diiradda saarayso xoojinta adeegyada caafimaadka, hagaajinta tayada daryeelka iyo hubinta in xarumaha caafimaadku yeeshaan awood dhaqaale oo ay ku sii joogteeyaan adeegyada ay bulshada u hayaan.
Labadan siyaasadood waxay ka tarjumayaan dadaalka Jubaland ay ugu jirto horumarinta adeegyada aasaasiga ah, kobcinta dhaqaalaha, iyo kor u qaadidda fayo qabka bulshada, sida lagu xusay bayaan ka soo baxay madaxtooyada Jubaland.

