Kulanka wadajir ah ee labada Aqal Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa barqonimadii maanta si bilaa buuq ah uga furmay Xarunta Villa Hargaysa oo si kumeel-gaar ah uu ugu shaqeeyo Golaha Shacabka.
Waxaa fadhiga maanta ka maqan Xildhibaanno & Senatarro katirsan Baarlamaanka oo la ganaaxay saddexdii kulan ee u danbeeyay kaddib markii lagu eedeeyay in ay buuq ka dhex sameeyeen Xarunta Baarlamaanka.
Waxaa billowday hadal jeedinta Xildhibaannada iyo Senatarrada si ay uga doodaan afarta cutub ee Dastuurka waa 4aad ilaa 9aad, si ay aragtidooda uga dhiibtaan Mudaneyaasha labada Aqal ee Baarlamaanka 11aad ee Soomaaliya.

