Jubbaland iyo Puntland oo u Yeeray Xildhibaannada Federaalka ee Labada Aqal

Madaxweynayaasha dowlad gobolleedyada Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam Madoobe, iyo Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni ayaa si rasmi ah ugu yeeray xildhibaannada labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee laga soo doortay deegaannadaas, si ay uga qaybgalaan kulamo wadatashi ah oo deg-deg ah.

Sida ku cad qoraal rasmi ah oo maanta oo ay taariikhdu tahay 1-da Maarso 2026 kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe ayaa xildhibaannada matala maamulkaas ugu yeeray magaalada Kismaayo.

Kulankan oo loo qabtay inuu dhaco maalinta berri ah oo ay taariikhdu tahay 2-da Maarso 2026, ayaa ujeeddadiisu tahay in laga wada tashado xaaladda siyaasadeed ee dalka gaar ahaan arrimaha doorashooyinka iyo wax ka badalka Dastuurka.

Sidoo kale, Puntland ayaa dhankeeda u yeertay xildhibaannada laga soo doorto deegaannadeeda, taas oo muujinaysa isbahaysi siyaasadeed oo xooggan oo u dhexeeya Kismaayo iyo Garowe.

Kulamadan ayaa loo arkaa inay yihiin kuwo looga hadli doono ajende la mid ah midka Jubbaland oo la xirira xaaladda dalka.

Madaxda Jubbaland iyo Puntland aya dib ugu laabtay magaalooyinka Garoowe iyo Kismaayo, ka dib markii ay fashilmeen wada hadallada Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliya.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed