War maanta kasoo baxay Ciidanka Ilaalada Kacaanta Iiraan ayaa looga hadlay wararka la hadal hayo ee la xiriira in ay duqeeyeen goob uu joogay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iin, Benjamin Netanyahu oo ilaa hadda aanay Tel Aviv ka hadlin hadalkaan.
Iiraan ayaa u muuqata in ay si dadban u xoojisay sheekada la hadal hayo iyada oo ka dhigtay in ay beegsatay Benjamin Netanyahu maadaama xeryo iyo xarumo kala duwan ay ku dhaceen gantaalladeeda sida xogaha ka muuqda.
Tehran ayaa sheegtay in ay beegsan doonto xitaa haddii uu nool yahay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil oo ugu yeertay ‘Dilaaga Carruurta’ kana goyn doonto dadkii uu ku dilay maamulkiisa gudaha Dalka Iiraan iyo meelo ka baxsan.
“Iiraan waxa ay ballanqaadaysaa inay beegsato Dilaaga Carruurta ee Natanyahu xitaa haddii uu xiligaan nool yahay” Sidaasi waxaa lagu yiri war kasoo baxay Ciidanka Ilaalada Kacaanta Iiraan oo lagu daabacay Wakaaladda Wararka Faaris.
Saacadihii lasoo dhaafay waxaa gantaallo culus lagu beegsaday xarumo muhiim ah oo ku yaalla dhulka ay Israa’iil xoogga ku haysato, waxaana jirin warar xaqiiq ah oo ku saabsan in la bartilmaameedsaday Netanyahu iyo in kale.

