Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay si rasmi ah uga hadashay dib u dhaca ku yimid wufuuddii qorsheysnaa inay ka qayb galaan shirka wadatashiga ee magaalada Muqdisho, waxayna baaq degdeg ah u dirtay Maamul-goboleedyada Puntland iyo Jubbaland oo qayb ka ah Golaha Mustaqbalka.
Qoraal rasmi ah oo ka soo baxay dowladda ayaa lagu sheegay inay tahay nasiib darro dib u dhaca ku yimid qaar ka mid ah wufuuddii Golaha Mustaqbalka ee ku soo jeeday caasimadda, gaar ahaan ka dib dhacdooyinkii dhacay 1-dii bishaan Febraayo.
Dowladda Soomaaliya waxay mar kale ku celisay in gogosha wadahadalku ay weli fidsan tahay, iyadoo si gaar ah ugu baaqday madaxda Maamullada Puntland iyo Jubbaland in ay yimaadaan magaalada Muqdisho si loo amba-qaado geeddi-socodka nabadda iyo dhismaha mustaqbalka siyaasadeed ee dalka.
Sidoo kale, dowladda ayaa xustay in Guddiga Farsamada ay horay u dhammaystireen dhammaan habraacyadii uu shirku ku qabsoomi lahaa, ayna diyaar u yihiin in xal waara laga gaaro tabashooyinka jira, iyadoo la tixgelinayo xaaladda amni iyo dagaalka dalka looga sifaynayo argagixisada.
Baqan ka soo baxay Dowladda Federaalka ayaa imaanaya xilli maalintii Axada Hawada Muqdisho laga celiyay diyaarad siday Wafuud horudhac u aheyd maamulada Jubbaland iyo Puntland.


