Ergayga Midowga Afrika ee Koofurta Suudaan, Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa billaabay howlaha nabadaynta dalkaas si la isugu soo dhaweeyo dhinacyada siyaasadda dalkaan isku haya si loosoo afjaro colaadda ka dhex jirta.
Dr Cabdiweli Gaas ayaa warqadaha wakiilnimo ee Midowga Afrika u gudbiyay Wasiirka Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga ah ee Koofurta Suudaan Dr Monday Semanyo Kumba maadaama Guddoomiyaha ururkaas uu wakiil uga yahay nabadaynta dalkaas.
Gaas waxa uu horay usoo qabtay Xilka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, waxaa intaas u dheer in uu horay usoo noqday Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Puntland, marar kala duwan ayuu isku dayay in qabashada Xilka Madaxweynaha Dalka balse kuma guulaysan.

