Wasiirka caafimaadka UK ayaa u sheegay barnaamijka Today ee BBC-da ka baxa in raysalwasaare Keir Starmer uu ka fiirsanayo luuqadiisa la xiriirta howlgalka Venezuela.
Tifaftiraha BBC-da ee Yurub, Katya Adler, ayaa sidoo kale u sheegtay barnaamijka Today in madaxda qaaradda ay wajahayaan caqabad adag oo kordheysa, waxayna isku dayayaan in ay wax ka qabtaan halkii ay ka hor’imaan lahaayeen madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.
“Waxaan ku jirnaa xili siyaasada quwadaha waa weyn sida Shiinaha, Ruushka, Mareykanka iyo gaar ahaan Midowga Yurub ay u muuqato in ay geeska ka daawanayaan” ayey tiri Katya Adler.
Madaxda Yurub ayaa magaalada Paris kula kulmaya wakiilo ka socda Mareykanka. Isbahaysigan ayaa ka shiraya arimo la xiriira nabadda Ukraine.
Hanjabaada Trump ee ah in uu qaadanayo Greenland ayaa hareysay shirka madaxda taas oo khatar ku ah madaxbannaanida dhuleed dal ka tirsan Midowga Yurub ama wadan kale oo xubin ka ah NATO.
Ma jiro hadal wadajir ah oo ka soo baxay dalalka Midowga Yurub kaas oo lagu taageerayo Denmark. Quwada Yurub ee London, Paris iyo Berlin ayaa ka aamusay arrintaas ilaa shalay oo raysalwasaaraha UK sheegay in Denmark iyo Greenland ay go’aanka leeyihiin.

