Kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa markii ugu horreysay wax ka badan afartan iyo siddeed saacadood ka hadashay aqoonsiga Israel ee Somaliland.
War qoraal ah oo uu soo saaray hoggaamiyaha kooxda Xuutiyiinta Yemen Cabdulmalik Badaruddiin Al-Xuutii, ayaa xaqiijiyay in ku dhawaaqista Israa’iil ee ah inuu aqoonsaday Somaliland ay tahay mowqif cadowtinimo ah, kaas oo uu ku beegsanayo Soomaaliya iyo deegaankeeda Afrika, isla markaana uu ku beegsanayo Yemen, Badda Cas, iyo waddamada ku yaalla labada dhinac ee Badda Cas.
“Waxaan adkeynaynaa mowqifkeenna go’an ee ah inaan la garab taagan nahay shacabka Soomaaliyeed ee walaalaha ah, annagoo ka soo horjeedna cadowga Israa’iil”, ayaa lagu yiri war ka soo baxay kooxda.
“Joogitaan kasta oo Israa’iil ku yeelato Dhulka Soomaalida waxa loo tixgelin doonaa bartilmaameed militari oo ay beegsanayaan ciidamadeenna hubeysan, maadaama uu yahay gardarro ka dhan ah Soomaaliya iyo Yemen, isla markaana uu khatar ku yahay amniga gobolka”, ayaa la sii raaciyay warkaan.
Sidoo kale warka kooxda ayaa lagu yiri, ” Ma aqbalayno in qayb ka mid ah Soomaaliya loo beddelo saldhig uu cadowga Israa’iil ku yeesho, iyadoo lagu xadgudbayo madax-bannaanida iyo qaranimada Soomaaliya, amniga shacabka Soomaaliyeed, iyo amniga gobolka iyo Badda Cas”.

