390 Xildhibaan oo 25 bishii Decembar ee sannadkii hore lagu doortay Doorasho qof iyo cod ah oo ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa la filayaa in maanta la dhaariyo, sida xubno ka tirsan Guddiga Doorashooyinka ay noo xaqiijiyeen.
Munaasabadda oo la filayo in ay ka qabsoonto Xarunta Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, ayaa sida qorshaha yahay waxaa goobjoog ahaan doona Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre.
Dowladda Federaalka ayaa dooneysa in si degdeg ah Xildhibaannada goleyaasha deegaanka ee degmooyinka gobolka Banaadir in ay gutaan waajibaadkooda qaran.
Dib u dhaca dhaarinta Xildhibaannadaan ayaa loo sababeeyay in ay ku xirneyd dhammeystirka Dastuurka dalka iyo sidii ay u heli lahaayeen sharciyad sax ah.
Sidoo kale, Doorasho qof iyo cod ah oo lamid ah midaan ayaa la filayaa in laga qabto dowlad goboleedyada Koofur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabeelle.

