Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo dhaliiay madaxda DFS

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ah Xildhibaan katirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay xaaladaha Dalka gaar ahaan Siyaasadda, Doorashada, Dastuurka, Isla xisaabtanka & qodobo kale.

Warsame ayaa sheegay in Madaxda Federaalka & Dowlad-Goboleedyada marka laga reebo Puntland ay qallinka ku duugeen in doorasho la’aan ay sii joogi karaan marka uu soo idlaado muddo xileedka Dastuuriga ah ee heendaabka u ah xilhayntooda.

Xildhibaan Cabdiraxmaan ayaa intaas ku daray in muddo sanad iyo dhowr bil ah uu u dhiman yahay Dowladda haatan sharciyadda Dastuuriga ah haysta loona baahan yahay in wixii hadda ka dambeeya laga shaqeeyo sidii loo qaban lahaa Doorasho Xor iyo Xalaal ah.

“Waxaa lala tacaalayay in aan helno Dowlad awood leh laakiin halkii arrin aan haynay ee ahayd in ay sharciyad leedahay ayaa meesha laga saaray, Madaxdii laanta fulinta uu ugu weynaa Madaxweynaha & Madaxdii kale ee Dowlad-Goboleedyada marka laga reebo Puntland waxa ay isku raaceen in Dalka la joogi karo Doorasho la’aan oo aan wax sharciyad ah loo baahneen” Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Waxa uu dhaliil kala dul-dhacay Guddoonka Baarlamaanka uu xubinta ka yahay isaga oo ku tilmaamay in meesha ay ka baxday isla xisaabtankii iyo awooddii gaarka ahayd ee Laanta Xeer Dejinta uu Dastuurka siiyay sida uu hadalka u dhigay.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed